Maxaa ka qaldan shirarka laysku mari la’yay ee Muqdisho ka socda?

1. Soomaaliya haddi dadkeedu isku iman oo aanay isku tashan cid kale oo dantooda si daacad ah uga hawl gali karta ma jirto. Waxaa tusaalo innoogu filan in marka Soomaalidu isku tashato xalku soo dhawaado. Haddii aan tusaalo u soo qaadano Markii M. Siciid Deni iyo Axmed – Karaash is khilaafeen waxa markiiba dhexdhexaadinta galay Madaxda dhaqanka, khilaafkiina halkaas baa lagu soo afjaray. Somaliland oo dhisida nabadda waxa dhidibada u taagay Madax dhaqameedka. Haddii khilaaf imaado waxa ka odayeeya Madaxda dhaqanka. Halkaas waxa laga dheehan karaa in Madaxda dhaqanka ee deegaanadaasi ay nabadda il gaara ku hayaan, haddii siyaasi si qaldan wax u waddana ay arkaan ay u acqli celiyaan. Doorkii Madaxda dhaqanka ee Muqdisho ayaa maqan.

FG: Inkastoonan jeclayn in dawladnimada iyo dhaqanku isku milmaan, haddana in waddan shisheeye Soomaalida heshiisiiyo way dhantaa.

2. Doorkii Labada Golle ku lahaayeen isku soo dhawaynta dawladda dhaxe iyo maamul-gobaleedyada ayaa isna meesha ka maqan. Haddii labbada golle u saaraan guddi xildhibaano ah oo darafyada is khilaafsani dhex u arki karaan, waxa suurto gal ah in lasyku soo dhawaado.

3. Doorkii culimada ayaa isna meesha ka maqan. waxa tusaale innoogu filan markii madaxda saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland is khilaafeen waxa ka odayeeyay Culimada Somaliland – waana ta keentay in maanta xal laga gaadhay wixii laysku hayay.

4. Doorkii ururada Bulshadda sidda ururrada Haweenka, Dhalinyarada iyo ururada kale ee ka shaqeeya arrimaha Bulshada ayaa iyana maqan. Haddii ururadaasi ay marti qaad u fidiyaan labbada Madaxwayne maamul-gobaleed ee Jubbaland iyo Putland, may diideen siddaan filayo, balse cid baan isku dayinba.

Waxaa qoray,

Zakaria Ahmed

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap