Mas’uuliyiinta Hay’adda Ka Hortaga Aafooyinka Somaliland oo Hortagay Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiillada

Hargeysa – (warsoor) – Guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta kulan xogwaraysi ah la yeeshay mas’uuliyiinta hay’adda ka hortaga Aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka Raashinka Qaranka ee Somaliland.

Kulankaas oo ay warbaahintu dibadjoog ka ahayd ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ka warbixiyey guddoomiyaha guddida hoosaadka joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale, oo sheegay in waajibaadkoodu yahay in ay u yeedhaan mas’uuliyiinta ha’adaha dawladda si ay wax uga weydiiyaan hawlahooda shaqo ee ay qaranka u hayaan, wuxuuna xildhibaanku intaas ku daray in ay mas’uuliyiinta hay’adda ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo kaydka Raashinka qaranku warbixin wanaagsan ka siiyeen hawlaha shaqo ee hay’addaas, isla markaana uga jawaabeen su’aalihii ay weydiiyeen kuna qanceen warbixintooda.

Dhankiisana guddoomiyaha hay’adda ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo halkaas ka hadlay ayaa u mahad-celiyey guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, isaga oo sheegay in ay guddida warbixin ka siiyeen hawlaha hay’addoodu qaranka u qaabilsan tahay iyo sida ay ugu diyaar garoobaan abaaraha, duufaannada iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee dalka soo waajaha, wuxuuna intaas ku daray in ay warbixintooda ku dareen waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshayaasha mustaqbalka ee hay’addaasi doonayso in ay ku talaabsato intii karaankeeda ah.