Mas’uuliyiinta Gobolka Saaxil Oo Ka Hadlay Roobabkii Ka Da’ayay Deegaannada Gobolkaas

Hargeysa – (warsoor) – Maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera ayaa ka warbixiyay roobab illaa sagaal saacadood oo xidhiidh ah ka da’aayay magaalada Berbera.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha gobolka Saaxil Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud roobabkaas ayaan gaysan wax khaasre nafeed ah, balse ay dumiyeen laba guri oo ka mid ah guryaha magaalada Berbera, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geysan.

Xoghayaha fulinta dawlada hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde ayaa sheegay in dawlada hoose ee degmada Berberi ay ku hawlan tahay sidii magaalada ay uga saari lahaayeen biyo fadhiya wadooyinka magaaladaas.

Dadka ku nool xaafadaha magaalada Berbera qaarkood ayaa sheegay in roobabkaasi ay guryahoodii galeen, isla markaana aanay jirin dhibaato weyn oo ay u geysteen, balse aanay xalay dadka qaarkii u hoyan guryahoodii roobabkaas guryahooda galay awgood.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi ayaa sheegay inay ka hawl-galeen gaadhi roobabka agood ugu xanibmay dawga Sheekh, wuxuuna xusay in illaa hadda aanay jirin wax dhibaato ah oo roobabkaasi u gaysteen degaanada hoos yimaada gobolka Saaxil.