Masuuliyiinta Beeraha Somaliland Oo Beeniyey War Been Abuur Ah Oo Laga Faafiyey

Hargeysa – (WARSOOR)- Wasiirka wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed iyo wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Dr. Maxamed Aw-Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaraddaasi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu baahiyey baraha bulshadu ku wada xidhiidho oo lagaga been abuuray.

Ugu horeyn wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in warqadaasi ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isaga oo tilmaamay in ay ku taariikhaysan tahay 21 bishii labaad ee sannadkan isla markaana uu ku saxeexan yahay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Dr. Maxamed Aw-Daahir oo xilka ka sii maqnaa muddo laba sanno iyo dheeraad ah, taasina ay tahay wax aan marnaba caqliga fayoobi qaadan karin.

Waxa kale, oo wasiirku sheegay in warqadaas loola jeeday in wax loogu dhimo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Jabuuti, si gaar ahna loogu bartilmaameedsaday wasiirka waxbarashada ee dalkaasi Mustafe Maxamed Maxamuud, isaga oo arrintaas ka raaligeliyey wasiirkaas iyo xukuumadda Jabuuti.

Geesta kale, waxa islna shirkaas jaraa’id ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Dr. Maxamed Aw-Daahir, oo sheegay in warkaas ay baahisay Idaacad Radio Bokaaw ee afka Faransiiska ku baxda, wuxuuna tilmaamay in warkaas ay faafiyeen shakhsiyaad sheegay in ay ka mid yihiin mucaaridka dalka Jabuuti, isaga oo intaas ku daray in laga been abuuray isla markaana cadeeyey in macluumaadka lagu qoray warqadaasi ay tahay been abuur cad oo ayna waxba ka jirin, isaga oo wasiir Beeraha Somaliland ka codsaday in warkaas lagu sameeyo baadhitaan qoto dheer.