Maraykanka oo qorshaynaya inuu liiska argagixisada ku daro ciidamo Ruush ah

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanka Merrick Garland ayaa sheegay inaanu “ka hor iman doonin” haddii kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Ruushka ee loo yaqaano Wagner Group, loo aqoonsado inay yihiin urur argagixiso ah oo shisheeye, isaga oo ugu yeedhay aasaasaha kooxdaas, oo lagu magcaabo Yevgeny Prigozhin inuu yahay “dembiile dagaal”.

Xeer-ilaaliyaha Maraykanka ayaa hortegey guddida caddaaladda ee aqalka Senate-ka. Senator Lindsey Graham oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa weydiiyey xeer-ilaaliyaha, inuu taageersan yahay, in ciidamada calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner Group in “lagu daro liiska ururada argagixisada ee debedda” si waafaqsan shuruucda Maraykanka.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu u malaynayo in kooxdani ay ku kacayso dembiyo dagaal, uuna yahay urur dhaawac u geysanaya danaha Maraykanka, isaga oo sheegay in wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku ay tahay, cidda awoodda u leh inay liiskaas ku darto.

Senator Graham iyo xildhibaano kale ayaa dabada ka riixaya sharci la doonayo in liiska argagixisada lagu daro ururka Wagner ee Ruushka ah.

Haddii la doonayo in ururkan lagu daro liiska argagixisada ee caalamiga ah ee Maraykanka, Wasaaradda arrimaha debedda ayaa u baahan inay la tashato xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka iyo weliba wasiirka maaliyadda.

Kooxda Wagner Group ayaa la aasaasay sannadkii 2014, waxayna xidhiidh dhow la leeyihiin kooxaha aadka ugu dhow madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Kooxdan ayaa haysata dagaalyahanno gaadhaya illaa 50,000 kuwaas oo ka dagaalama dalka Ukraine, waxaana badankooda ay ka soo qorteen xabsiyada dalka Ruushka, waxayna noqdeen ciidamado si gaar ah u tababaran oo lafdhabar u ah, dagaalka Ruushku ka wado Ukraine.

Bishii December ayaa wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku waxay kooxdan u aqoonsatay inay yihiin kuwo walaac gaar ah laga qabo, halka wasaaradda maaliyadda ee Maraykankuna ay bishii January u aqoonsatay kooxaha dembiilayaasha caalamiga ah, taasoo u ogolaanaysa dawladda Maraykanku inay la wareegto ama xayirto hantidooda.