Maraykanka iyo Cuba oo soo celinaya iskaashigii dhinaca ‘Socdaalka’

WASHINGTON – (WARSOOR) – Maraykanka iyo Cuba ayaa maalinta Arbacada yeelanaya wareeg kale oo wadahadal ah oo ku aaddan arrimaha muhaajiriinta, iyada oo haatan uu maamulka Biden meesha ka saaray xannibaadihii COVID19.

Maraykanka ayaa bilihii la soo dhaafay xannibaado saaray muwaadiniinta Cuba ee ka soo gudbaya xuduudda Maraykanku la wadaago Mexico.

Kulankan heerkiisu sarreeyo ee ka dhacaya Washington ayaa daba socda, kulan kale oo ka dhacay Havana, caasimadda Cuba bishii November ee sannadkii hore. Biden ayaa dib u soo celiya wadahadalada Cuba, ka dib markii ay hakad galeen intii uu xilka hayey Trump.

Safaaradda Maraykanka ee Havana ku taalla ayaa dib u bilawday bixinta fiisooyinka iyo adeegyada kale ee safaaraddu bixiso bishii January ee sannadkan, waxaana adeegyada safaaraddu ay hakad ku jireen tan iyo sannadkii 2017.

Kulanka toddobaadkan ayaa ujeedadiisu tahay in la soo celiyo iskaashigii Maraykanka iyo Cuba ee dhinaca socdaalka, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanku.

Dalkan Shuuciga ah ee Cuba ayaa sheegay inay dhiiri gelinayaan in si sharci ah ay isugu safraan muwaadiniinta labada dal, hase ahaatee waxay ku eedeeyeen Maraykanka, inuu weli ku dhaqmayo siyaasaddiisii xilligii dagaalka qabow, taas oo uu dalkaas ku soo rogay cunaqabatayno curyaamiyey dhaqaalaha dalkaas, isla markaana ku dhiirigeliyey dhalinyarada dalkaasi inay u haajiraan Maraykanka.

In ka badan 220,000 oo muhaajiriin Cuban ah ayaa sannadkii 2022 lagu qabtay xuduudda Maraykanka iyo Mexico, kuwaas oo doonayey inay si sharci darro ah Maraykanka ku soo galaan.