Man City oo markii ugu horreysay ku guuleysatay Super Cup-ka Yurub

Kooxda Manchester City ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay Super Cup-ka Yurub, kadib markii ay rigoorayaal 5-4 kaga badisay Sevilla.

Ciyaartan oo aheyd mid xiiso badan ayaa 90-daqiiqo kusoo idlaatay 1-1.

Dhammaan sagaalkii laad ee ugu horeeyay ee rigooreyaasha ayaa dhashay, laakin daafaca reer Serbia Nemanja Gudelí ayaa birta ku garaacay, waxaana City oo 10 maalmood ka hor rigoorayaal ay kaga badisay Arsenal ciyaartii Community Shield ay sidaas ku qaadday koobkaas.

Youssef En-Nesyri ayaa dhaliyay goolka kooxda Sevilla daqiiqadii 25-aad, laakiin City ayaa la timid goolka barbardhac ah waxaana madax ku dhaliyay 21 jirkooda Cole Palmer daqiiqadii 63 aad.