Magacyada Xubnaha Ku Loollamaya Kursiga Xoghayaha Guud Ee Xisbiga

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu magacaabo Xogahayaha Guud ee Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ka dib markii wax ka beddel lagu sameeyey Xeerka Xisbigaasi Shirweynihii Afraad lagu go’aamiyey inuu madaxweynuhu soo magacaabo.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo la xidhiidha magacaabista Xoghayaha Guud, haseyeeshee sida ay Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyeen warar xogogaal ah, waxa toddobaadyadii u dambeysay socday loollan iyo kaambayn hoose oo ay wadeen xubno dhawr ah oo quudaraynaya sidii ay ugu soo bixi lahaayeen Magacaabista Xoghayaha Guud ee Kulmiye, kuwaas oo shir docdeeyo la yeelanayey Beeshooda, si damacooda uga dhaadhiciyaan.

Xubno tiradooda lagu sheegay illaa afar xubnood ayaa ah kuwa iyagu loollanka ugu jira in madaxweynuhu u magacaabo Xoghayaha Guud ee Kulmiye, kuwaas oo ay Ibraahim Axmed Raabbi, Xoghayihii hore ee Dawladda hoose ee Hargeysa, Ibraahim Daahir Dubad oo ah Aqoonyahan Qurba joog ah, kana mid ahaa Xubnihii Ololaha Doorashadii 2017-kii ee Kulmiye, Maxamed Xuseen Mu’adinka, Agaasimaha Barnaamijka shaqo qaran, Cabdilaahi Jibriil Gaax-nuug, Guddoomiyihii hore Gobolka Awdal ee Xukuumaddii Siillaanyo.

Xubnahan oo dhammaantood isku deegaan ah, ayaa la sheegay in uu midkood,Madaxweynuhu u magacaabi doono Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ee beddeli doona Xasan Siciid Yuusuf, oo isaga la filayo in aanu soo laaban muddo 9 sanno ku dhow oo uu xilkaasi hayey. Wararku waxa ay intaasi ku dareen in Ibraahim Axmed Raabbi ugu dhow yahay in loo magacaabo Xoghayaha Guud ee Kulmiye, iyada oo xubnaha kale, laftoodu ay wadaan dhaqdhaqaaqyo lagu magacaabayo. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu Xoghayaha Guud Magacaabo maalmaha soo socda, si loogu ansixiyo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbigaas yeelanayo.

Dhinaca kale, Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa la filayaa inuu Maalinta Berri ee arbacada uu ka furmo Magaalada Hargeysa oo noqonaya kii toddobaad ee uu yeesho, ayaa la filayaa in lagu doorto Hoggaanka cusub ee uu yeelan doono. Xubnaha Hoggaanka ee imika jooga Golaha Dhexe, ayaa la filayaa in ay intooda badan soo noqdaan, inkasta oo wararka qaarkood sheegayaan in Guddoomiye cusub loo dooran doono Golaha Dhexe.

Xigasho Wargeyska Saxansaxo