MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHIR GUDDOOMIYEY GOLAHA WASIIRRADA XJFS

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardargelinta qorsheyaasha hortebinta u leh Xukuumadda ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta Al shabaab.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo Golaha uga warbixiyay halganka uu hoggaaminayo ee khawaarijta looga sifeeynayo deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka ayaa tilmaamay in hawlgallada ka dhanka ah Khawaariijta uu marayo heer gebagebo ah, isagoo ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qalabka Sida oo si naf hurnima leh uga adkaaday Cadowga argagixisada ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Golaha ku dhiirageliyey dadaalladda ay ku bixinayaan dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhameystirka xeerarka muhiimka u ah dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

Dhanka kale, Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb galay Olale dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta, kaasi oo loo dhigayo Banngiga keeydka waxaana kulankan soo abaabuulay dhalinyarada Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka ciribtirka Khawaarijta.