MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY KHUBARO MILATARY OO KA SOCDAY TURKIGA

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari iyo saraakiil sarsare oo ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiyeed iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli, iyadoo lagaga hadlay xoojinta iskaashiga dhanka milatariga ee labada dal, muhiimadda taageerada walaalaha Turkiga ee howlgalka xoreynta iyo qorshaha tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed ee ay leyliyaan khubarada milatariga Turkiga ah.