Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Furay Shirka Maamul Daadajinta Dawladda Hoose

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic ayaa maanta furay shirka maamul daadajinta dawladda Hoose, shirkan oo ka qabsoomay magaaladda Hargeysa.

madaxweyne_ku-xigeenka

Shirkan waxaa ka soo qayb-galay dhamaan maayaradda magaalooyinka Somaliland, madaxweyne ku-xigeenka, xubno golaha wasiiradda ka mida, saraakiisha kala duwan ee dawladda, hayadda maal-galiya mashruucan iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlay munaasibadii furitaanka shirkan ayaa yidhi, “Waxaa dhamaanteen inoo farxad ah inaynu maanta furno oo aynu ka wadda hadalno shirka dawladda Hoose. Runtii muddadii mashruucani ka socday Somaliland una muuqda isbadal weyn oo horumarineed, waxay awood siiyeen bixinta adeegyaddii kala duwanaa ee bulshaddu u baahnayd oo qayb ka ah nimaadka maamul daadajinta dawladda”.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in mashruuani uu wax weyn ka badalay nimaadkii qorshe samaynta, nimaadka xisabaadka oo laga soo guuray habkii ahaa hore haddan loo guuray nimaadka tiknoolajiyadda casriga ah.

Kulanka waxaa iyaguna ka hadlay masuuliyin kala duwan oo ka  kala socday qaybaha dawladda iyo hayaddaha maal-galiya mashruucan waxaanay ka hadleen sida mashruucan maamul daadajinta dawladda hoose u u noqday mid midho dhalay.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO AANU KA SOO XIGANAY WAKAALADDA SOLNA:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.