Madaxweyne Ku xigeenka Oo Dhaawac Soo Gaadhay Iyo Madaxweynaha Oo Gurigiisa booqday

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Md. Axmed Cali Axmed, ayaa gurigiisa ku bookhday Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo dhaawac ka soo gaadhay misigta bidix ama lugta bidix ka dib markii uu ku siibtay marmarka gurigiisa.

dsc_0000-4

Madaxweyne ku xigeenka oo madaxweynaha warbixin ka siiyey sida ay wax u soo gaadheen markii uu dhacay, ayaa sheegay in markii nabarku soo gaadhay aanu wax dhiba dareemayn balse hadda aanu kici Karin iyadoo la taageero mooye, dhakhtaro doorina ay u yimaadeen kuna hawlan yihiin inay ogaadaan sida ay laftu wax u qabto.

Madaxweyne ku xigeenka oo xaaladiisa caafimaad aad u wacan tahay marka laga yimaado dhaawaca ka soo gaadhay midigta ayuu madaxweynuhu ugu duceeyey in Alle u fudaydiyo nabarkaa soo gaadhay, ugana dhigo mid sahlan oon dhib lahayn.

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.