Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo wefti uu Hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Degmada Sheekh iyo Magaalada Burco

Burco – (WARSOOR) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyey caawa fiidkii degmada Sheekh iyo magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco oo uu kaga qayb-gelayo xuska Sannad Guurada 33aad ee 18 MAY.

Waxaana Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey duleedka magaalada burco dadweyne aad u tiro badan oo ay ka mid ahaayeen madaxda heer gobol iyo heer degmo ee gobolka togdheer.

Sidoo kale waxa madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa si weyn loogu soo dhaweeyey degmada sheekh oo aan u kala hadhin heer degmo iyo mid bulshaba.

Waxaana madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey safarkiisa wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ahna gudoomiyaha xisbi xaakimka Kulmiye.