Madaxweyne Ku Xigeenka JSL oo Xadhiga ka Jaray 18 Mashruuc oo laga fuliyey Magaaladda Gebilay

Gebilay – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxnaam Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa kormeeray isla markaana xadhigga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyay degmada Gabiley.

Sida uu ku soo waramayo Weriyaha Wakaaladda Wararka Solna ee Gobolka Gebilay Cismaan Cabdi Bade Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Waxaa Kormeerkan ku Wehelinayay Wasiiradda Wasaaradaha Isgaadhsiinta,Waxbarashadda, Wasiir ku xigeenka Xannaanadda Xoolaha Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxnaam Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa Xadhiga ka Jaray 18 Mashruuc oo ay hirgalisay dawladda hoose ee degmada Gebilay Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Waddada weyn ee dhex marta Magaaladda Gebilay oo Afar Haad ah isla markaana laydh lagu xidhay, Xannaanada Hooyadda iyo dhallaanka oo laga hirgaliyey xaafadda wada jir, Sayladda Xoolaha ee Waqooyiga Magaaladda Gebilay, Xarunta dawladda Hoose iyo Mashaariico kale Waxaa kale oo Madaxweyne ku xigeenku uu dhagax dhigay dugsi cusub oo hoose dhexe ah iyo Xayn daab lagu wareejinayo Xarunta agoomaha ee Magaaladda Gebilay.

Meeyarka degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi ayaa madaxweyne ku xigeenka uga mahad celiyay booqashada uu ku yimi Gabiley isagoo sheegay in mashaariida ay fuliyeen looga gol leeyahay in xaafadaha Gabiley mid walba gaar looga dhigo addeegyadooda arrimaha bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxnaam Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ugu dambayn halkaas ka hadlay  ayaa uga mahad celiyay maamulka gobolka iyo kan degmada Gabiley addeegyada kala duwan ee ay u fuliyeen shacabka iyagoo dib ugu celinaya  cashuurtoodii.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxnaam Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka waramay ahmiyadda ay leeyihiin mashaariicda laga fuliyay degmada Gabiley waxaa uu Madaxweyne ku xigeenku ku amaanay Maamulka dawladda hoose ee Magaaladda Gebilay Mashaariicdan wax ku oolka ah ee ay hirgaliyeen.