Madaxweyne Ku Xigeenka JSL oo Sheegay in Doorashooyinka Is barkan lagu galayo Sidii Xisbiyadu ku Heshiiyeen

Hargaysa – (warsoor) – Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna guddoomiye-ku-xigeenka afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Maanta ka hadlayay Madal uu xisbiga Kulmiye hadhimo sharafeed ugu sameeyay dhallinyaradii iyo Haldoorkii kale ee qaybta weyn ku lahaa guushii uu xisbigu ka soo hooyay doorashadii Madaxtooyadda.

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL ayaa si qoto dheer uga hadlay doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilladda iyo Deegaanka Waxaanu sheegay in Sidii ay Xisbiyadda qaranku ku heshiiyeen ay doorashadu u dhacayso isagoo intaas ku daray in qaddiyadda Saami qaybsiga xili kale loo dhigan doono.