Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Lagu Soo Dhaweeyay Degaano Ka Tirsan Gobolada Gal-Beedka Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici) oo safar shaqo ku maraaya gobolada galbeedka Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay degaanka Gar-gaara Bari ee gobolka Salel iyo degmada Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal.

Sida uu  ku soo waramaayo ariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga Soo warama magaalada Boorama Abokor Xasan Caafi madaxweynaha iyo weftigiisu markii ay gaadheen degaanka Gar-gaara Bari oo ka tirsan gobolka Salal iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal waxa uu soo dhawayn kala kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaanadaas.

Gudoomiyaha gobolka Salel Mawliid Maxamed Cumar iyo maayarka degmada Lughaya Cabdilaahi Cali Aw Nuur ayaa sheegay in bulshada ku nool degaanadasai ay diyaar u yihiin ka qayb-qaadashada doorashada dhici doonta 31 May.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi, wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa bulshada goobihii ay socdaalka ku marayeen uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameeyeen, waxaanay u soo jeediyeen in ay ololaha iyo doorashooyinkaba uga qayb qaataan si haboon.

Ugu damabayn madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic ayaa sheegay socdaalkiisaasi uu ku saabsan yahay u kuur gelida xaaladda guud ee gobolada gal-beedka dalka, waxaanuu intaas ku daray in sidoo kale u jeedooyinka socdaalkiisaas ay ka mid tahay xogogolaal u noqoshada sida bulshada ku nool goboladaasi au uga qayb-qaadanaan ololaha doorashooyinka isku sidkan ee u qorashaysan in dhammadkan bishan aynu ku jirno ay dalka ka qabsoomaan.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu bulshada ku adkeeyay in ay ilaaliyaan ammaanka doorashooinka ay uga qayb qaataan hannaan haboon, isla markaana taageereyaashu ay ixtiraamaan xisbikastaa maalinta uu u leeyahay kal-tanka doorashada.