Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Oo Xadhiga Ka Jaray Wersheda Tayo Plastic Oo Laga Hirgeliyey Caasimada Somaliland Ee Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray  Wersheda samaynta Caagaga (TAYO PLACTIC FACTORY) oo laga  hirgeliyey  Bariga Caasimadda Hagreysa, taasi oo buuxin doonta kaalintii Agabka caagaga oo dalka dibadiisa laga soo waaridi jiray bulshaduna baahi badan u qabeen.

Munaasibad balaadhan oo lagu daah furaayey Wershedaasi  ayaa lagu qabtay Xarunta Wershedaasi waxaana  goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiiradda Wasaaradaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershedaha, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) Wasiirka  Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan,  Wasiir ku xigeenka Horumarinta Maaliyadda Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Deeqa Cabdi Yuusuf.

Ugu Horayntiina  waxa halkaasi hadal ka jeediyey  maamulka iyo masuuliyiita Wershedaasi cusub  kuwaasi oo si faah-faahsan uga sheekeeyey, faa’idada ay dalka u leedahay Wershadan cusub ee lagu magacaabo (TAYO PLASTIC FACTORY)  waxaana ay xuseen inay guud ahaanba dalka ka haqab tiri-doonaan weelka caaga ah noockasta oo uu ahaadaba sidoo kalena laga maarmi doono Caagii laga soo dhoofin jiray  Waddamada jaarka ah,  waxaa kale oo ay shaaca ka qaadeen in Wershadoodu ay  dib u habayn ku samayn doonto  guud ahaanba caaga la isticmaalo  kaasi oo dib loo cusboonaysiin doono.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wershadaha iyo Dalxiiska Mudane, Maxamuud Xasan Sacad oo halkaasi  hadal ka jeediyey ayaa ugu horaynba hambalyeeyey Wershada cusub, waxaana uu  soo dhaweeyey guud ahaanba Wershadlayda dalka oo ah lafdhabarta Horumarka Waddanka.

Madadxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii munaasibadaasi soo xidhay ayaa soo dhaweeyey Wershada cusub una rajaayey inay dalka wax badan ka tari doonaan, waxaana uu kula dardaarmay shirkada Tayo iyo kuwa  kale ee dalka ka jiraba ay ku horumaraan maamul wanaag iyo fulinta wixii lagu heshiiyey  sidoo kalena ku dhaqmaan nidaam Xisaabeed daah furan, dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku wuxuu tilmaamay in Wershaduhu kaalin mugweyn ugu fadhiyaan Qaranka Somaliland ka xukuumad ahaana ay ay soo dhaweynayaan.

Wa-bilaahi Tawfiiq
— 

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.