Madaxweyne-Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Salaadda Ciidal-Fidriga Kala Qaybgalay Shacabka Hargeysa.

Hargeysa-(WARSOOR)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta salaadda ciidal-fidriga kula tukaday shacbiga Caasimada garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaaa shacabka ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga, waxana uu Eebbe uga baryey inuu ciiddan ciiddeeda ku gaadhsiiyo Bash Bash iyo barwaaqo.