Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hir-geliyay Burco 

Burco -(warsoor)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo waftigii uu hoggaaminayay ayaa saaka soo kormeeray mashaariic tirro badan oo xukuumadda Somaliland ka waddo xarunta gobolka Togdheer ee Burco mashaariicdan oo laga maal-geliyay barmaamijka maamul-daadajinta iyo horumarinta dagmooyinka ee JPLG-ga loo yaqaanno.

Maayir ku-xigeenka Burco Muxumed Xassan Xoday ayaa madaxweyne ku-xigeenka warbixin dheer ka siiyay mashaariicda laga waddo magaaladda Burco waxaanu maayir xoday sheegay in waddoyinka laga dhamaystiray magaaladda Burco ay imika gaadhayaan 10 waddo oo laami ah halka ay ku tallo jiraan sanadka soo socda in ay yeelatto 7 biriij oo waaweyn waxaana kamid ahaa hadalkii maayir xoday “Mudane Madaxweyne ku-xigeen dagmaddan Burco waxa ka socda mashaariic dhawr ah oo laga maal-galiyay sanduuqa JPLG-ga, waxaanu dhamaystirnay sariibado laba ah oo aanu dan-yarta ugu tallo galnay, waxaanu dhamaystirnay waddoyin tirro badan, waxa qorshaha noogu jirta sanadkan in Burco yeelato 7 biriij oo waaweyn, waxa aanu qayb weyn ka qaadanaa caafimaadka, waxbarashadda iyo deegaanka”ayuu yidhi Maayir ku-xigeenka Burco.

Isu-duwaha barmaamijka maamul-daadajinta JPLG-ga iyo Xukuumadda Somalilad Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa isna halkaasi kaga hadlay mashaariicda JPLG-gu maal-geliyeen ee ka socda Burco iyo kuwa ku jirra qorshaha 2019.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii ay isku-filnaansho gaadhi lahaayeen dawlaha hoose ee dalka islamarkaana ay uga faa’idaysan lahaayeen barmaamij-yadda horumarineed ee dalka ka socda waxaana kamid ahaa hadaladii madaxweyne ku-xigeenka “Maanta horumar fiican ayaan Burco ku aragnay waanan idin kaga mahad celinayaa maamulka dagmadda, waxaan idinku boorinayaa inaad cashuurta si haboon u ururisaan cashuurta, si waxaad qabanaysaan ay u muuqdaan, mashruuca JPLG-gu waa fursad ay dagmooyinku heleen, waxaan ku rajo weynahay inaad ka faa’idaysan doontaan”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland.

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kulan la qaatay golaha deegaanka ee dagmadda sheekh iyagoo uga warbixiyay madaxweyne ku-xigeenka mashaariicda ka socda dagmadda Sheekh ee gobolka Saaxil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.