Dahabshil Company Daarasalaam Bank
Published On: Sat, Aug 10th, 2019

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland oo Hambalyo u diray shacbiga iyo dunida Islaam Ciidal Adxa awgeed

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  waxa uu ciidal adxa awgeed Hambalyo u dirayaa golayaasha qaranka, madax-dhaqameedka, culima aw-diinka, xisbiyada qaranka, dhammaan bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida dalacadeeda ku kala nool, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed Madaxweyne ku xigeenku uu shacbiga Somaliland leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

Waxaanu ku simaha madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban, bash-bash iyo barwaaqo, inta bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna waxa uu ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo, isaga oo xujayda sannadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban.

ALLAA MAHAD LEH 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
— 

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>