Madaxweyne Ku-xigeenk Somaliland oo Booqday Djibouti

DJibatu – (WARSOOR) – Aniga iyo wefti balaadhan oo aan hogaaminayo oo ka socda Somaliland ayaa gaadhay dalka Djibouti si aan ugasoo tacsiyeeyo geeridii ku timi Allah ha u naxariisto Xaashi Cabdulaahi Orrax oo isbuucan ku geeriyooday dalka Djibouti.

AHN Xaashi Cabdulaahi Orrax ayaa kaalin muhiim ah kaga jiray halgankii xornimo doonka iyo dhismihii Dawladda Djibouti. Sidoo kale, sanamayn wayn ku lahaa Geeska Africa iyo Dawladdaha Soomaalida.

Sidaa darteed, anigoo ka wakiil ah Dawladda Somaliland waxaan tacsi la wadaagayaa Qoyskii, qaraabadii iyo dawladda Djibouti oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Dawladda Djibouti.

Allah ha u naxariisto qabrigana ha u waasiciyo qoyska iyo qaraabadana samir iyo iimaan haka siiyo ammiin ammiin.