Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilsay safiiradda Dowladaha Irland iyo Czech Republic ay u soo magacaabeen Soomaaliya.
Safiiradan cusub oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa warqadaha aqoonsiga Danjiranimo Guddoonsiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Aqalka Madaxtooyada Cali Baashi C/llahi Cabdi.
Talaabadan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda oo ay ku talaabsanayso Dowladda Soomaaliya.
xigasho: SONNA
This post is also available in:
Somali