Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Ciidamada Xoogga dalka guulaha ay gaadheen

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu shalay u jeediyay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayuu ku amaanay ciidanka qaranka sida ay ula dagaaleen cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo meelo badan laga saaray iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen argagaxisada, isagoona sheegay in dagaalka lagula jiro Argagaxisada lagu guuleysan doono.

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo ciidankeena aagaga dagaalka ku jira guulaha ay gaareen iyo sida ay ula dagaaleen qolada shabaabka ah ayna uga saareen meelahii ay ku jireen, iyadoo waliba ciidamada ilaa iyo hada dhufeyso ay ku jiraan roobkana uu korkooda ku da’ayo, waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysaneyno Al shabaab, qibradeeda waad leedihiin, wadaniyadeeda waad leedihiin oo waad soo aragteen dowlad xoog leh, dowlad wanaagsan oo diyaar u ah inay hormuud u idin noqoto waad heysataan oo anaggaa diyaar idin ah inaan idin horkacno, shacab wanaagsana waad heysataan oo baraarugsan soo jeeda garabna idin siinaya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Ciidamada xoogga dalka inay ka foogaadaan wax kasta oo dhib u keeni kara shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si wadajir ah isaga qabtaan cid kasta oo dooneysa inay dalka burburiso, isagoo u balanqaaday ciidamada in la siin doono Bilado iyo waxyaabo kale oo lagu dhiiri galinayo, inta ku dhimatana loo sameyn doono Daljir si loo xasuusto.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.