Dahabshil Company Daarasalaam Bank
Published On: Wed, Nov 22nd, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland

Muqdisho – (warsoor) – 21 Nofeembar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha ayaa shacabka deegaannada Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yidhi “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.”

“Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil.

 

Xigasho: SONNA

This post is also available in: Somali

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>