Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka Federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay mas’uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe, koox gaar ahna aysan wax ka beddeli karin.

“Nidaanka Federaalku waa nidaam ay Ummadda Soomaaliyeed u dooratay inuu noqdo hab ku dhisan maamulkooda Dowliga ah, illaa ay Ummadda Soomaaliyeed ayadu go’aansato inay wax ka beddesho nidaamkaasna, ma jirto Dowlad ama koox gaara oo wax ka beddeli karta”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, isagoo xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed Bad iyo Berriba.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Goboleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi.

Mudane;Farmaajo, ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda.

Wuxuuna intaa raaciyay Madaxweynuhu in shuruucda uu saxiixay iyo kuwa kale ee horyaalla Labada Aqal ee Baarlamaanku ay muhiim u yihiin taabba-gelinta Qarannimo Soomaaliyeed oo hana qaadda.

Madaxweynaha ayaa yiri” Sharciyada aan saxiixay waxaa ka mid ah sharciga la dagaallanka Musuq-maasuqa oo gundhig u ah aasaasidda Qarannimo Soomaaliyeed oo taabba gasha”.

Muadne; Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray.

Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen.

Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dedaalladu.

“Waxa Alle mahaddiis dhawaan noo soo gabageboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib u heshiisiintuna waxay noo fududaysay inaan hadda u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul Goboleed ay yeeshaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Goboladaas”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah.

Xigadho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.