Madaxweyne Farmaajo iyo Arimaha uu Kaga Hadlay Munaasibada Xuska 1 July

MUQDISHO – (WARSOOR) – Maxaweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ku saabsan xuska sanad guuradii xorriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo ka jeediyay munaasabad lagu qabtay tiyaatarka qaranka oo dayactir lagu sameeyay dibna loo furay maanta.

Khudbadda madaxweynaha oo dhinacyo badan taabaneysay, balse u badneyd hanbalyada 60-sano guuradii ka soo wareegatay markii ay gobollada koonfureed ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana midoobeen waqooyiga iyo koonfurta, ayaa ka sheekeeyay halgankii laga soo maray xuriyadda iyo dadkii naftooda ku waayay intii ay u dagaallamayeen xuriyadda aan ku naallooneyno maanta.

“Alle ayaa mahad leh, oo maanta noo suurtagaliyay inaan halkan annagoo caafimaad qabna uga soo qeyb galno 60 guuradii kasoo wareegtay maalintii ay koonfur xornimadeeda ka qaadatay gumeysiga Talyaaniga, ayna la midowfay walaalahood waqooyi, oo iyagana ka xoroobay gumeysiga Ingiriiska,” ayuu khurbaddiisa ku billaabay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale ka hadlay wax qabadkii ay dowladdiisa sameysay intii ay dalka maamuleysay.

Dayactirka Isbartiibada

Hanbalyada maalinta xorriyadda kaddib, ayaa madaxweynaha waxa uu u mahadceliyay dadkii gacanta ka geystay in dib loo furo garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, oo uu shalay xarigga ka jaray dayactir weyn kaddib.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sanadkii 2017-kii, markii uu la wareegay xukunka dalka uu go’aansaday in goobtaas ay noqoto goob ciyaar.

“Waxaan ka qabannay shaqo aad iyo aad u badan, inakstoo ciidamada Amisom ee meesha fadhiyay ee ka waardiyeenayay ama ka difaacayeen dowladnimada ay dhiig iyo nafba u hureen, waxaan markii danbe ku qancinay in ay raadiyaan goob kale oo difaac ah, laakiin goobtaasi ay noqoto halkii ay shacabka Soomaaliyeed ku kifaaxi lahaayeen, laguna ciyaari lahaa kubadda cagta iyo weliba Olombikada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sanad iyo bar kadib ay ku guuleysteen in garoonka uu noqday goob si qurux badan loo diyaariyay, uuna u sheegay Amisom in “garoonka uusan ahayn goob dagaal ee uu yahay goob ciyaar”.

Isbartiibada Stadium Muqdisho iyo tiyaatarka qaranka ayaa waxa ay ka mid yihiin goobaha dib loogu dayactiray mashaariicda isxilqaanka ah oo qeyb ka ah mashaariic loogu talagalay in ay iska kaashadaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlo badan oo ay qaban lahaayeen ay u hakadeen amaba ay dib ugu dhaceen kaddib markii uu geeriyooday Duqii hore ee gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo dhibaatada ka dhalatay cudurka safmarka ee coronavirus.

Matalaadda gobolka Banaadir

Dhanka kale madaxweyanaha ayaa golaha shacabka uga mahadceliay codeyntii ay ku ansixiyeen matalaadda gobolka Banaadir.

“Waxaan rabaa inaan u mahad celiyo xildhibaannadii shaqeynayay oo aan ognahay in iyaga iyo guddonkoodaba ay ka jawaabeen rabitaanka shacabka muddada dheer sugayay in ay helaan matalaad iyo weliba codsigeygii oo aan ka codsaday in ay igu sharfaan in aysan illoobin in magaaladan oo ah caasimaddeenna, magaalo aan jecel nahay oo ay umaddoo dhan wada leeyihiin ay u garteen matalaad, aanna sugeyno sidii lagu dhaqan gelin lahaa”. ayuu yiri.

Madaxweynaha oo dhowr jeer ku soo laa laabtay ka hadalka xuriyadda dalka, ayaa aad ugu dheeraaday sida ay ku timid xurnimada aan maanta heysano iyo sidii ay SYL uga qeyb qaateen la dagaallanka gumeystigii laga xoroobay.

Waxa uu sheegay in isbeddelkoodu uusan ahayn mid shaqsi ah balse ay sabab u ahaayeen inaan dowlad helno oo aan Africa oo dhan uga horreynay, inkastoo buu yiri “ay wax badan hadda naga hallaabeen”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in haddii la rabo inaan caalamka la tartanno ay tahay inaan raacno waddadii ay mareen aabaayaashii xornimo doonka ahaa ee SYL iyo SNL, oo ahayd inaan qaadanno waddaninimo.

Waxyaabaha ay dowladda uga dayatay SYL

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ay ku timid isbeddel doon dhab ah, oo ay raacayaan dhaqamadii SYL ay ka barteen.

“Waxa ay sameeyeen oo u hagaagay SYL oo aan hubo in annagana ay noo shaqeyneyso ayaa ah, in mas’uuliyadda aan shacabka la wadaagno, in sharciga uu sarreeyo, inaan ka hadalno doorasho qof iyo cod ah, waxa laga rabo shacabka oo ah in sharciga dalka iyo kala danbeynta ay ilaaliyaan, oo qof walbo meesha uu joogo uu askari ka yahay, aadna sugin in booliisku ay ku ilaaliyaan, oo aad adiga sharciga qeyb ka tahay,” ayuu yiri farmaajo.

Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay bixiyaan canshuuraha maaddaamada buu yiri wax walba ay dhaqaalo ku xiran yihiin, dowladdana ay si caddaalad ah ugu maamuli doonto.

Waxa uu ugu danbeyn sheegay in ay tahay in Shabaab “oo nabad diid ah meel looga soo jeesto, dagaalka lagula jirana uu socon doono ilaa laga cirib tiro dhammaan”.