MADAXWEYNE DR XASAN SHEEKH OO U HAMBALYEEYAY MADAXWEYNAHA DIB LOO DOORTAY EE DALKA TURKIGA.

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Mudane Reccep Tayyip Erdogan oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas.

Madaxweynaha oo tilmaamaya kaalinta lama ilaawaanka ee Madaxweyne Erdogan iyo shacabkiisu ay ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna ayaa u rajeeyay Madaxweynaha cusub in uu ka miro-dhaliyo xaqiijinta yoolasha horumarineed iyo hiigsiga Shacabka Turkiga.

“Waxaan u hambalyeynayaa walaalkeey Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, guusha taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka dhacday dalka Turkiga. Waxaan u rajeynayaa shacabka iyo dowladdaa aan walaalaha nahay ee Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda iyo horumarka ballaaran ee xowliga ah ee ay ku tallaabsadeen sanadihii la soo dhaafay.”

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in uu kalsooni weyn ku qabo in dib u doorashada Madaxweyne Erdogan ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan iyo iskaashiga laba geesoodka ah, Isagoo sheegay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer.