Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inuu Wada-hadal La Furayo Cid Kasta Oo Wax Tabanaysa, Balse Aanay Suurta Gal Ahayn In Qoriga La Qaato

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta mar uu khudbad ka jeedinayey Jaamacadda Hargeysa oo ay ka qalin-jebinayeen arday tiro badan ayaa ka hadlay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal furo cidkasta oo wax tabanaysa balse aanay xukuumaddiisu raali ka ahayn in qoriga la qaato, waxaanu yidhi madaxweynuhu mar uu arrintaa ka hadlaayey “Dhammaan waxaan qaatay wixii talo iyo tusaale ahaa ee halkan ay ka yidhaahdeen madaxda axsaabtu, hadaladaasi waxay u badnaayeen oday ayaad tahay ee dadka isu soo jiid oo midee marxaba iyo guddoon taasi waan aqbalay.
Waxa aynu u samaynsanay dawladda oo madaxweynaha loo doortaa inay aroor walba iyo saacad walba dhibaatada taagan xaliyaan taasna aad iyo aad ayaan u garanayaa in dhibaato kasta oo dalka taala ha waynaato ama ha yaraatee aanu xalino ka dawlad ahaan gaar ahaanna go’aanka u danbeeya in anniga layga sugaayo aad iyo aad ayaan u garanayaa waana gudoon kii cadhaysan inaynu maslaxno, kii gardaran inaynu u dul-qaadanno intaba diyaar ayaan u ahay waanan ogolahay dhawr iyo sodonkii sanno ee u danbeeyayna dalkan goob joog ayaan u ahaa sida wax loo waday iyo siday ku socotayba hal mid ayaan sheegayaa qofka wax tabanayaa waa inuu si miyir qaba wax u sheegtaa midna waan leeyahay oo qoribaan wax ku xalinayaa ma dhici karto, qori baan soo qaadanayaa hadaan tayda la yeelin taasi waligeedba mamnuuc ayay inaga ahayd ha la wada hadlo oo shaydaanka ha la iska naaro oo qoriga innaga daaya waanan ogolahay dhamaan wixii lay faray” ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland mar uu Ka Hadlayey Barnaamijkii shaqo qaran ee Horumarinta Dhalinyaradda Somaliland uu madaxweynuhu hore ugu balan qaaday ayaa yidhi “Halkan (Jaamacadda Hargaysa) waxaan soo istaagay marar badan anigoo leh dhalinyardda wax haloo qabto ololahaygiina waxaad iga ahaysaan buug dhan oo barnaamijkaygii siyaasadeed ah gaar ahaan dhalinyaradda oo waxaan ahay ninka kaliya ee buug iyo canjalado laga hayo ololihiisii oo aan idhi dhalinayarada waxaas iyo waxaasan u qabanayaa balantaasi waan ku jiraa hir-gelinteediina waan ku jiraaye bal halka aanu ka bilaabayno ayaan maanta idiin sheegayaa.
Waxaanu kusoo darnay barnaamijka xisbiga KULMIYE laba qodob oo dhalinyaradda khuseeya, midi waxa uu ahaa inaanu abuurno sanduuq horumarinta dhalinyaradda ah oo aanu ka bilawno dhaqaalaha la dhigayo sanadka u horeeya dabadeed aanu u gud-binno qaranka iyo dhamaan inta Somaliland taageerta si uu mustaqbalka u noqdo bangiga dhalinyarada wax loogu qabto, waxaanu balan qaadnay inaanu sanduuqaasi sanadka ugu horeeya aanu ku shubi-doono 200,000 oo doolar, lacagtaasina maanta way ku jirtaa waxaan kaloo ugu baaqaynaa shirkadaha iyo deeq-bixiyayaasha inay sanduuqaasi wax kusoo kordhiyaan.

Ta labaad waxa ay ahayd shaqada qaranka ee dhalinyarada iyadana waxaanu ugu tallo galnay hal milyan oo doolar lacagtaasina waa naga diyaar sanduuq aanu u samaynayna way ku jirtaa, waxaanu barnaamijkaasi bilaabmi doona bisha 1aad ee snaadka 2019.
Waxaanu shaqada qaranka gelinaynaa 1,000 inan oo jaamacadaha ka baxay, waxaanu baraynaa siduu qaranka ugu shaqayn lahaa, Wasaaradaha Maaliyadda, Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, waxbarashada, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xoghayaha golaha wasiiradda Somaliland oo isagu ku daba-geli doona sida ay hawshu u socoto ayaana hawshaasi u xil-saaran, sidoo kalana waxa barnaamijkaasi ku jira 500 oo hablood oo iyagu guryahooda wax ku baran doona ama gobolka ay joogaan, halka raggu ay tegi doonaan meel ka baxsan magaalada.
Waxaan halkan uga hambalyaynayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay, waxaan leeyahay dawladu waxay gacan buuxda siinayaysaa ganacsiga gaarka loo leeyahay si dalkeenu hore ugu maro, waxaana la ogaaday inaanu dalna horu-marin bilaa-baayac mushtari la’aan, iyagana waxaan ugu baaqayaa inay nala shaqeeyaan” ayuu yidhi Madaxweynaha JSL ku soo xidhay hadalkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.