Madaxweynaha XFS Oo Ka Qeyb-galay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Afrika

KIINIYA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa dul istaagay dhibaatooyinka ka dhashay Isbaddalka Cimillada Adduunka ee ka jira dalkeenna, kuwaasi oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cimmilada sii kululaanaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee wax ka qabashada saamaynta taban ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka, taasi oo uu sheegay in ay u baahantahay xal wadajir ah oo heer caalami ah.