Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay Munaasabadda xuska 73-aad ee Ciidanka Boliisk

Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyntii ugu hambalyeeyey Ciidammada Boliiska Soomaaliyeed annad-guuradooda iyo guulaha waa weyn ee ay dhanka amniga ka soo hooyeen, waxa uu ku ammaanay Taliyaha Ciidanka biseylka cusub ee uu u horseedey Ciidanka sannadkaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay arrin muhiim ah ee uu ku tilmaamay doorka Gabdhaha Soomaaliyeed laga siiyey in ay ka mid noqdaan Boliiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Boliiska Soomaaliya uu ka mid yahay hadda hey’adaha caalamka, sidoo kale waxa uu u mahadcelieyey dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ee gacanta siiya Ciidammada Boliiska ee xasiloonida ka shaqeeya.

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa sidoo kale Hambalyo u diray Ciidanka, waxa uu si kooban ugu mahadceliyey hey’adaha kala duwan ee Ciidanka Boliiska ka taageera tababarrada iyo Qalabbeynta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho , ayaa hambalyo kaddib uga mahadceliyey Boliiska gaar ahaan qeybta Gobolka dedaalka ay ku bixiyaan nabadda caasimadda, maamulkuna uu ku taageerayo arrintaasi.

Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa ugu hambalyeeyey munaasbadda 73-aad Boliiska, waxa uu u mahacelieyey dhammaan hoggaannadii ciidanka soo qabtay, waxa uu ka hadlay waxyaabaha u qabsoommay sannadkii tagay, mashaariicda u hirgashay iyo aqoonyahanno cusub oo Boliiska Soomaaliya ku soo biiray, Taliyaha, ayaa sheegay in dowladda soo socota looga baahan yahay in ay miisaaniyadda ciidanka ay ku Jaangeyso baaxaddiisa, maadaama isbedel horumar uu jiro.

Boliiska Soomaaliya waa 73 jir hadda, waa hey’ad fac weyn, munaasabadooda aas-aaska ayeey u dabaal daggeen, waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dalka ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taliyaha ciidammada Boliiska, S/ Gaas Maxamed Xasan Sheekh Xaamuud, wasiirka Amniga Gudaha, duqa Muqdisho sarreeyeyaasha ciidanka iyo taliyeyaasha kale ee ciidammada Soomaaliya.

Munaasabadaasi intii ay socotay waxaa sidoo kale Laanta Miina Baarista ee Boliiska ay soo bandhigtay hababka looga hortago Qaraxyada wax dila, iyadoo Fannaaniinta Kooxda Heegan iyo fannaaniin kale ay soo bandhigeen Heeso maalintaan ka hadlaya.

Ciidammada Boliiska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 1943-adii waa hey’adda amni ee ugu faca weyn dalka, waxa ayna door lixaad leh ka qaataan nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda, si bulshaduu hesho adeeg nabadgalyo oo ku filan, Booliiska Soomaaliya sannadkaan waxa uu u muuqdaa mid si xowli ah u dhismay.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.