Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay qaraxii Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraamabada iyo dhammaan shacabaka Soomaaliyeed qaraxii maanta kooxada nabad diidka ay ka geysteen Muqdisho.

โ€œInaa Lilaahi wa inaa Ilaahi Raajucuun, qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan kaga tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay qaraxii maanta kooxha nabad diidku ka geysteen agagaarka dekadda Muqdisho, Waxaan Eebbe kaga baryayaa inuu janadii fardowso ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna Allaah caafimaad deg deg ah siiyoโ€ ayuu yiri Madaxweynaha.

madaxweynaha-sooomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamadda Ammaanka inay iska kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxahahaani sida gaarka ah u bartilmaameydsanaya goobaha shacabka .

Ugu dambeynti, Madaxweynaha ayaa ku amray ciidamadda ammaanka inay sii laba-laabaan dedaalkooda ku aadan inay shacabka ka ilaaliyaan weerarada Kooxaha Nabad diidka u geysanayaa islamarkaana , wuxuu madaxweynaha kaga mahad-celiyey ciidamadda sida ay uga hortageen weeraro dhowr ah oo shacabka lala damacsanaa.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.