Madaxweynaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara Ku Kulmay

TURKIGA -(WARSOOR) – Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu la yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Dayyip Erdogan ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal, heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, dagaalka dowlada ay kula jirto argagixisada iyo muhiimada Soomaaliya u leedahay xasiloonada gobolka gees ka Afrika.