Madaxweynaha Somaliland oo Xil Ka Qaadis iyo Isku Beddel ku Sameeyey Xubno ka mid ah Xukuumadda

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne waxa uu  Xilka qaadis, beddel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan:-

XIL KA-QAADIS

Madaxweynuhu wuxuu xilkii ka qaaday   Sahal Maxamed Jaamac;

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, waxaanu madaxweynuhu wareegtaas xilka qaadista ah ku yidhi “Mudane,Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.”

MAGACAABID

Wareegtada Magacaabista ah ee uu soo saaray Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi waxa ay u dhignayd sidan:-

Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

2. Maxamed Xasan Dirir Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha .

3. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

4. Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga.

5. Maxamed Geeddi Caynaanshe Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

6. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada.”