Madaxweyne Siilaanyo Oo Warbixin Kaga Dhagaystay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandm mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay todobada xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, xubnaha komishanka oo madaxweynaha ugu yimi sidii ay warbixin uga siin lahaayeen qaabka ay ilaa hada u socoto u diyaar garawga doorshooyinka Somaliland oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar 12 maalmood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadiyay xubnaha komishanka dadaalka dheer ee ay ugu jiraan inay waajibkooda gutaan isagoo madaxweynuhu ugu duceeyay in ILLAAHAY ku asturo hawshaas baaxada leh ee ay qaranka u hayaan maalmaha koobanina uga hadhay.

 

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Imaan Warsame oo warbaahinta uga war bixiyay kulanka ay saaka la qaateen madaxweynaha ayaa yidhi “waxaanu maanta oo ay bishu tahay 01-Novembar-2017, waxaanu madaxweynaha ugu nimi salaan sharaf iyo inuu noogu soo duceeyo hawsha baaxada leh ee aanu gudo galayno, waxaanu madaxweynaha iyo xukuumadiisaba uga mahad naqaynaa mudadii aanu xafiiska joognay tacabkii uu na galiyay iyo gacantii uu nasiiyay, waxa kale oo aanu madaxweynaha uga mahadcelinay sidii uu u qaadatay inuu lacagta doorashada wada bixiyo kadib markii deeq bixiyayaashu nagu yidhaahdeen mahayo lacag aanu idinku caawino, go’aan dhiiran ayuu ahaa, waxaanu halkan uga mahad celinaynaa shacab

weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba sidii ay amarada komishanka u qaadanayeen iyo sidii ay ugu soo jeedeen in qarankan doorashooyinkiisu aanay is taagin, waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa qolada deeq bixiyayaasha oo aad inoo caawiyay, waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa saddexda xisbi qaran, waxaanu leenahay saddexda guddomiye waad mahadsan tihiin, waxaynu soo marnay diiwaangelin casri ah oo ALLE inagu guuleeyay, waxa kale oo aynu galnay kaadh qaybintii, maanta waxaanu u ambabaxaynaa 6da gobol ee dalka, sanaaduuqdii doorashaduna maanta ayay meel kasta tagayaan.

Guddomiyaha komishanka ayaa shacabka reer Somaliland ka codsaday inay kalooni buuxda siiyaan xubnaha komishanka “waxaanuย  halkan fariin u diraynaa shacabka reer somaliland inay kalsooni buuxda ku qabaan doorashada soo socota, inay kalsooni buuxda ku qabaan 7-komishanka ahi inay daacad yihiin, diyaarna u yihiin inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah oo cadaalad ku dhisan, kalsoonidaas waxaanu ka codsanaynaa axsaabta iyo shacabka, waanu dhaaranay markii aanu xafiiskan imanaynay cadaalad ayaanu ku dhaaranay cadaaladiina waanu wadnaa”ayuu yidhi Guddomiyaha Koomishanku.

Halkan ka daawo shirka jaraaid:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.