Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabis iyo Xilka Qaadis Ku Sameeyey Gudoomiye Degmadda

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-921/082022 iyo JSL/XM/WM/222-922/082022 xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa jagadaasi u magacaabay Jaamac Maxamuud Warsame inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.