Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Maareeyaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Maalgashiga ee Abu Dhabi

Dubai – (warsoor) – Madaxaweynaha JSL md Axmed Maxamed Silaanyo oo ku sugan Abu Dhabi waxa uu ku soo booqday Maareeyaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Maalgashiga ee Abu Dhabi (director general of Adhabi Fund for development) Md.Maxamed Saif Al Suwaidi.

Madaxweynaha iyo mareeyaha ayaa ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo derder galinta Mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadkuย  ka hirgalinayso Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay labada dhinacba si wada jir ah usoo dhaweyeen heshiisyada labada dal dhexmaray ee iskaashiga iyo horumarka dhinacyada badan leh.

Kullankan waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Maxamuud iyo safiirka Somaliland u fadhiya UAE Amb. Baashe Cawil Cumar.

Dhanka kalena Madaxweynaha JSL oo warbahinta qaranka u waramayay ayaa waxa uu sheegay in Illaahay Mahadi haka gaadhee xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay waxaanu sheegay inay dalka si dhakhso ah dib ugu soo noqon doonaan haddii Alle idmo.

Halkan ka daawo warankan:

Xuseen Adan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxweynaha JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.