Madaxweynaha Somaliland oo Kormeer iyo Xadhig-ka-jaris Ku Sameeyey Goobo Muhiim ah oo Berbera Ku Yaalla

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray mashaariic waa-weyn oo laga fuliyey gudaha magaalada Berbera,  xadhiggana ka jaray dhismeyaal cusub oo loo bineeyey dekedda Berbera.

Madaxweynuhu  isaga oo ku gudo-jira safarkiisa shaqo oo maalintii labaad galay, waxa uu kormeer indho-indhayn  ah ku tagay Jaamacadda Culuumta Badda ee dekedda Berbera, Keydka Haamaha Shidaalka Berbera iyo xarunta shaybaadhka shidaalka, waxana  uu halkaas kula kulmay, isla markaana warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee qaranka u qaabilsan xarumahaas, kuwaas oo madaxweynaha u sharraxay horumarka ay ku tallaabsadeen iyo caqabadaha ilaa haatan hortaagan.

Sidoo kale,  madaxweynuhu waxa uu kormeeray taagga weyn ee casriga ah ee ay xukuumaddu  dhawaan soo iibisay, kaas  oo wax badan ka taray fududaydinta soo xidhidda maraakiibta iyo la dagaallanka dabka ka kaca maraakiibta dekedda ku sugan, waxana uu madaxweynuhu qaddar kooban kusoo wareegay badda, isaga oo saaran taagga casriga ah ee xukuumaddu soo iibisay dhawaan.

Goobaha kale ee uu madaxweynuhu maanta ku tegay kormeerkiisa shaqo waxa kamid ah Jaamacadda Culuumta Badda,  waxana  halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo ardayda jaamacadda oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha jaamacadda Culuumta Badda. Prof.  Cabdiqani Maxamed Khayre, isaga oo hadallo dardaaran iyo rejo-gelin isugu jira u jeediyey jiilka cusub ee jaamacadda wax ka barta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “Mustaqbalka soddon sanno iyo Afartan sano ka bacdi  Jaamacaddani waxa ay noqon doontaa ta la isku laayo, idinkuna waxa aad noqon doontaan dadka dalka u talinaya ee u madaxda ah ee mustaqbalkiisa jeexaya, qarankuna wuu idin la dedaalayaa.”

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay bilowga dekedda cusub ee shirkadda DP World  dhisayso oo cabbirkeedu dhan yahay 400 mitir, isaga oo awaamiir  faray maamulka dekedda Berbera amray in hannaan caddaalad ah loo maro wax kasta oo lagama maarmaan u ah taabbo-gelinta dhismahaas, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland mar walba mudnaanta koowaad leedahay,  “Qoladiinna dekedda maamusha waxa la idinka rabaa halkaas wixii shaqo iyo qandaraas ka baxayaa inay caddaalad ku baxaan oo aanay cabasho kasoo noqonin, qoladanna (DP World ) waa in sidaa lagu kaantaroolaa oo ay sharciga lagu heshiiyo ku socdaan,  ta labaadna wax Somaliland karayso oo qalab ama aqoon ah waa inaan cid kale keenin, waqtigana waa inaad ilaalisaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidoo kale kormeer shaqo ku tegay  xarunta haamaha shidaalka qaranka, isaga oo halkaas warbixinno kala duwan kaga dhegaystay guddoomiyaha haamaha shidaalka, Mudane Xasan Axmed Ibraahim (Xasan Embassy), isl amarkaana u guurgalay xaaladda haamaha shidaalka.

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu kormeeray xarunta shaybaadhka shidaalka, isaga oo halkaasna warbixin kaga dhegaystay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada, Mudane Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, kaas oo si mug leh u sharraxay muhiimadda uu shaybaadhkani u leeyahay guud ahaan bulshada reer Somaliland iyo sida uu u suurogeliyey in shidaal tayadiisu liidataa uu dalka soo galo.

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

 
        Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.