Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Qalin-Jebinta Jaamacadda Hargeysa Shahaadooyina Gudoonsiiyey Ardaydii Hormuudka U Ahayd Jaamacadda

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 16-aad ee Jaamacadda Hargeysa ka qalin-jebisa oo dhamaa 883 Arday laguna qabtay isla jaamacadda, waxaanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey mac-hadka nabadda iyo xalinta khilaafaadka, waxaanu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo ka socda jaamacadda.

Xafladda qalin-jebinta oo ahayd mid balaadhan waxa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo dhammaantood ku dheeraaday horumarka jaamacadda iyo hambalyada Ardayda qalinbisay waxaana ugu horeeyey gudoomiayaha Jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse, gudoomiyaha Boodhka Jaamacadda Hargeysa, Garyaqaan Cabdisamad Maal, Madaxweynaha Jaamacadda Mekelle University ee dalka Ethiopia Dr. Kindeya gebrehiwot, Maamulaha Xidhiidhka dadweynaha ee shirkada Telesom Maxamed Cabdi Darbo, Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, Xoghaye ku xigeenka xisbiga Ucid, Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax), Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta, Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ku hadlayey afka Ardayda qalin-jebisay Maanta iyo Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, Cismaan Jaamac Aadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madashaasi ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jibisay, waxaanu madaxweynuhu ardaydaasi u jeediyey dardaaran la xidhiidha sidii ay u sii wadan lahaayeen aqoontooda, dalka iyo dadkana uga faa’iidayn lahaayeen, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu ka hadlay arrimo muhiima oo la xidhiidha qarannimada, isagoo fariina u diray dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii kaalmaha ugu sareeya ka galay jaamacadda Hargeysa iyo masuuliyiin ay jaamacadu ku maamuustay doorkii ay ku lahaayeen jaamacadda horumarkeeda.

Wa-bilaahi Tawfiiq
— 

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.