Madaxweynaha Somaliland oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyey Golihiisa Wasiiradda

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa Wasiiradda.

Wareegtaddan ka soo baxday madaxtooyadda Somaliland ayaa u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo JSL/XM/WM/222-388/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada.

Waxaanay u dhignaayeen wareegtooyinka madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax

        Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;

Ku:  Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin)

         Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cismaan Aadan Jaamac

        Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska 

Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni

        Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame

        Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

[Markaan Arkay:              Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir.MagacaXilka
1.Xasan Maxamed Cali GaafaadhiWasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
2.Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
3.Siciid Sulub Maxamed XuseenWasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
4.Saleebaan Yuusuf Cali KooreWasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
5.Maxamed Muuse Diiriye WacaysWasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha
6.Mustafe Maxamuud Cali BileWasiirka Wasaaradda Caddaalada
7.LiibaanYuusuf Cismaan XuseenWasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
8.Cabdiqaadir Cumar Jaamac MaxamedWasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
9.Mahdi Cabdillaahi Cismaan MaxamedWasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
10.Muuse Ibraahim Yuusuf SalafWasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
11.Cabdillaahi Maxamed Daahir CukuseLa-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.