Madaxweynaha Somaliland oo Isku Shaandhayn ku Sameeyey Guddoomiyayaasha Goboladda

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta isku shaandhayn ku sameeyey qaar ka mid ah guddoomiyayaasha goboladda dalka iyo hay’addaha madaxa banaan, sida lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday madaxtooyadda.

Wareegtadan ayaa u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5026/092017 uu isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo maareeyahaasha hay’adaha madaxa banaan ee dalka.

 

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Awdal)

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Maroodi-jeex)

 Magacaabida iyo Isku bedelka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD)

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh)  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD) u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Maareeyaha, iyo la taliyaha madaxweynaha ee Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD);

 

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii hay’adda dekeda)

In Mudane, Maxamed Muuse Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERAD ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bdel hore maareeyihii Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD).

Magacaabida Maareeyaha Hay’adda Dekedaha

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Dekeduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland;

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Siciid Xasan Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland. (hore maareeyihiin Hay’ada mucaawimooyinka WFP)

 ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.