Madaxweynaha Somaliland oo baaq iyo Digniin u Diray Shacabka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goor dhaweyd shacabka la hadlay, ayaa shaaciyey in natiijooyinka ilaa hadda uu soo saaray mishiinka cusub ee Xanuunka COVID-19 muujinayo in cudurku si xawli ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda, islamarkaana loo baahan yahay inay bulshadu ku baraarugto dhibaatada soo korodhay, soo jeedimaha dhakhaatiirtana ay sidooda u qaataan.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay in qof waliba uu si iskii ah isaga baadho xanuunka, xataa isaga oo aan dareemaynin wax astaamo ah, si loo yareeyo halista faafista xanuunka covid-19.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu digniin culus u diray qaar kamid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo iskuulladii dib u furay, waxana uu caddeeyey in cidda dugsiyada dib u furtaa lamid tahay kuwa qaadka sharci-darrada ah dalka kusoo gelinaya, tallaabo sharci ahna laga qaadi doono.

HALKAN KA DAAWO WARKAN: