Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Shir Deg Deg Ah Shalay Iskugu Yeedhay Golihiisa Wasiirrada Iyo Arrimo Xasaasi Ah Oo La Sheegay Inuu Kala Hadlay!!

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kulan iskugu yeedhay wasiiradda Xukuumadiisa kujira, isagoo kala hadlay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 31-May 2021,  iyo sida looga hortagi karo Cududda Mucaaridka ee ku aadan hanashada Shirgdoonka Golaha Wakiilada iyo Maayarada Caasimaddaha Dalka.

Sida ay noo xaqiijiyeen illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay, Madaxweyne Biixi ayaa shalay galinkii hore kulan gaar ah oo deg deg ah iskugu yeedhay Golihiisa Wasiiradda,  kulankaasi oo qaatay saacado, ayaa sida la noo xaqiijiyay waxa uu kala hadlay arimo xasaasi ah oo ku saabsan doorashooyinkii isku sidkanaa ee Dalka ka dhacay 31-May-2021 ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda oo si weyn Xisbi Xaakimka Kulmiye loogaga itaal roonaaday.

Wararkan ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu kulankan  uu wasiiradda la qaatay uu kula wadaagay canaan iyo  talo iswaydaarsi, iyadoo kulankan markii dambe si gaar ah loogu lafo guray qaabka iyo jawiga lagu qaabilayo guuldarada dhinaca Xubnaha Goleyaash Deegaanka iyo Wakiiladda looga itaal roonaaday Xisbi Xaakimkii Kulmiye, inkasta oo marka hore la isla qaatay in Xubno door ah oo Golaha Wasiiradda ahi ay ka gaabiyeen kaalintoodii, haddana waxa jawi isku mid ah lagu falanqeeyay sidii looga hortagi lahaa xaaladda Siyaasadeed ee soo waajahday Xukuumadda talada haysa.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu kulankan uu Shalay Golihiisa Wasiiradda la qaatay in si gaar ah loogu lafo guray hanaanka ay Xukuumaddu uga hortagayso Midawga Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ay shalay ku dhawaaqeen ee ay kula wareegayaan Hogaaminta Goleyaasha Deegaanka iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada Cusub, waxaanu warku sheegayaa in Madaxweynaha iyo Wasiiraddu ay gabo gabaddii isla meel dhigeen qorshe Culus oo lagu furfurayo Midawga Mucaaridka iyadoo laga marayo dhinaca Xubnaha Xildhibaanada Deegaanka iyo Wakiilada iyagoo wasiiradda qaarkooda isla Xalayba ay hawlgaleen.

Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Gobolada Bariga ayaa sheegaya in kolonyo wasiirro ah oo xukuumadda ka tirsani in ay shalay u yaaceen dhinacaa iyo Gobollada Togdheer iyo Sanaag kadib markii ay soo baxeen xogo tibaaxay in xildhibaannada uga soo baxay xisbiyada Mucaaridku ay kulammo hoose iyo qado ku yeeshen deegaamo ay ka mid tahay Gar-adag taasi oo keentay in ay madaxtooyadu wasiirro door ah u dirtay Bariga.

XIGASHO: FOORE