Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Shirgudoonka Wakiilada Iyo Guurtida

Hargeysa -(warsoor)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley shirgudoonka labada golle ee guurtida iyo wakiilada Jamhuuriyadda  Somaliland.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyey ee shirgudoonka  labada gole ay madaxweynaha ugu yimaadaan ayaa daranaa is xogwaraysi, waxaana aad loogu lafo guray kulankaasi, qodobadan.

1.      Waxa laga wada hadlay oo xooga la saaray adkaynta iyo sii xoojinta nabadgelyada dalka

2.      Diyaar garawga iyo dhamaystirka xeerarka doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka intaan la gaadhin 13-March-2019ka, waxaanu madaxweynuhu labada gole xog ka siiyey kulan uu la yeeshay guddida doorashooyinka qaranka oo la xidhiidha diyaar garawga doorashooyinkaasi

3.      Waxa kale oo kulankaasi lagu soo xidhay Xoojinta iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee xukuumadda iyo labada gole.

Kulankan ayaa daba socda kulamo muhiima oo madaxweynuhu maalmihii u danbeeyey la yeelanayey masuuliyiinta ugu saraysa dalka oo ujeedadiisu tahay adkaynta iyo wada jirka danta qaranka iyo ta shacbigaba.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.