Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddoomiyaha gudigga qoxootiga iyo barakacayaasha Jubbaland

KISMAANYO – (WARSOOR) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Eng Cabdi Xuseen Maxamed u magacaabay gudoomiyaha gudigga qoxootiga iyo barakacayaasha.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha lana sooo dhigay Barta Facebook ee Madaxtooyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Eng Cabdi Xuseen Maxamed loogu magacaabay gudoomiyaha Guddigga Qaxootiga iyo Baralacayaasha.

Gudoomiyaha Cusub ee gudigga qoxootiga iyo barakacayaasha ayaa horay u soo noqday Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland.