Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka

KISMAANYO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay sarakiisha ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Jubbaland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubbaland.

Kulanka waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada.