Madaxweynaha JSL Oo qaabilay Aqoonyahanad ku Xeel Dheer Arrimaha Asaarta Qadiimiga ah

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta qaabilay Aas-aasaha, ahna agaasimaha fulinta ee ururka Horn Heritage Organization, Dr’s. Sada Mire.

Ugu horrayn agaasimaha ahna Aas-aasaha ururka, Dr’s. Sada Mire ayaa madaxweynaha warbixin iyo sharraxaad dheer ka siisay muhiimadda ay qaranka u leeyihiin goobaha taariikhiga ah ee ku duugan dalka oo ay ku samaysay cilmi-baadhis qoto dheer taas oo muddo qaadatay, iyadoo wakhti gelisay sidii dadka ku dhaqan Somaliland wax uga ogaan lahaayeen taariikhihii qadiimka ahaa ee uu soo maray dalkoodu qarniyadii kala danbeeyey.

Ururka Horn Heritage Organization oo ka shaqeeya goobaha ay ku duugan yihiin taariikhaha iyo Asaarta qadiimiga ah oo muddo ku hawlanaa sidii goobaha taariikhiga ah ee Somaliland bulshada caalamka loogu bandhigi lahaa, waxayna Dr’s. Sada Mire ka diyaarisay goobahaas Buugaag dhaxal-gal ah oo xambaarsan taariikho ku siman boqollaal sanno oo ay haatan gacanta ku hayso wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland. 

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadiyay aqoonyahanad Dr’s Sada Mire wakhtiga naf-huridda ah ee ay gelisay sidii ay wax uga qori lahayd Asaaraha qadiimiga ah ee ku duugan dalka, taas oo ay si muwaadinimo ah isugu xilqaantay inay diyaariso xogo muhiima oo muujinaya qarniyadii ina dhaafay iyo raadadkii aynu soo marnay welina ka sii muuqda dalka.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.