Madaxweynaha JSL Oo Daah-furay Mashruuca Lagu Hirgelinayo Aagga Cashuuraha Ka Caagan ee Dekedda Berbera

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  si rasmi ah u daah-furay  mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera oo maanta lagu kala saxeexday Somaliland.

Munaasibadda lagu daah-furayo mashruucan oo maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda shirkadda DP World, safiirro ka socday dalalka deriska, madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka Saaxil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsatada dalka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo gelayo hirgelinta  Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba uga mahadceliyey sida kalfurnaanta, walaaltinimada iyo xamaasadda leh ee ay shirkadda ula shaqeeyaan, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasibadda daah-furka hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn dawladda Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP World ugaga mahadnaqay maalgashiga ballaadhan ee ay ku sameeyeen dekedda Berbera iyo sida walaaltinimada leh ee ay ugu dhiirradeen inay mashruuc malaayiin Doollar ku kacaya ay ku aaminaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sharraxaya aragtida fog ee xukuumad ahaan ay ka leeyihiin guud ahaanba mashruuca lagu hormarinayo dekedda Berbera oo ay qayb ka tahay mashruuca maanta la kala saxeexday ee hirgelinta Aagga Cashuuraha ka caagan, “Mashruuca Berbera Port  aragtida guud  ee aynnu qaran  ahaan ka leenahay waa inaynu ka helno koboc dhaqaale oo dalkeena Somaliland iyo gobolka aynnu ku naallo iyo geeska Afrika caalamkana aynnu la wadaagno,  Himiladeennuna waa inay Barwaaqowdo Somaliland oo ay horseed u noqoto bilowga dhismaha dekedda iyo waddada Berbera iyo madaarka Berbera oo isaguna noqon doona madaar ganacsi oo caalami ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa carrabka ku ballaadhiyey qodobadda lagama maarnaanka u ah hirgelinta himilada fog ee qaranku ka leeyahay casriyeynta dekedda weyn ee Berbera, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “si aynnu taas u hirgelinno waxa aynnu u baahannahay dhawr qodob oo ka kala ah inaynnu helno kaabayaal dhaqaale oo raandhiis leh, waddooyin, deked, isgaadhsiin, koronto ay dadka imanaya iyo ummadaha caalamiga ahi  isku hallayn karaan, waxa kale oo aynnu u baahannahay inaynu helno dad aqoon u leh maamulka ganacsiga intaas le’eg ee caalamiga ah oo Somalilanders ah.”

Ugu dambayntii waxa madasha lagu kala saxeexday heshiiska lagu hirgelinayo Aagga Cashuuraha ka caagan ee Berbera, waxana kala saxeexday  Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo shirkadda DP World ee mashruucan masuulka ka ah u saxeexay iyo wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda oo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland u saxeexay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.