Madaxweynaha JSL iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo Booqday Freezone ka Jabuuti, dhaam biyoodka Carta iyo Weeca

Jabuuti – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay Dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku guda jira hawlihii shaqo ayaa maanta oo arbaca ah booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan (Freezone)ka Jabuuti, iyadoo lagu soo wareejiyey dhismaha freezone ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado.

Sidoo kale weftiga madaxweynuhu isla maanta waxa uu booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta. Ugu danbayntiina waxa madaxweynaha iyo weftigiisu booqdeen deegaanka Weeca oo u dhaw carta waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali). waxaana kormeerkaa ku wehelinaayey masuuliyiin kala duwan iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap