Madaxweynaha JSL iyo Masuuliyiinta KULMIYE oo Kulan kula Qaatay Musharaxiinta Hargeysa Xarunta Xisbiga

Hargeysa – (warsoor)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbul-xaakimka dalka ee KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa booqday xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, halkaas oo isaga iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta xisbigu ay kulan kula qaateen musharaxiinta Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka Caasimadda.

Booqashada Madaxweynaha ee xarunta dhexe ee xisbiga iyo kulanka uu la qaatay masuuliyiinta iyo musharaxiinta KULMIYE uga tartamaya doorashada, ayaa la xidhiidhay xogo-xogaal u noqoshada hawlaha u diyaargarowga doorashada isku-sidkan ee Wakiillada iyo Degaannada dalka ee u muddaysan 31ka bishan May iyo qabanqaabada bilowga ololaha axsaabta oo Komishanku u cayimeen in la bilaabo Axadda berri, iyadoo xisbiga KULMIYE-na maalintiisa koowaad ee ololuhu tahay Isniinta toddobaadka

Shirka Madaxweynuhu ku galay xarunta xisbiga KULMIYE oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen, waxa markii uu soo dhammaaday ka war-bixiyey Afhayeenka xisbiga Md. Cabdinaasir Muxumed Buuni oo sheegay in Madaxweynuhu hadallo dardaaran la xidhiidha ka qaybgalka doorashada iyo ilaalinta nabadgalyada iyo wadajirka bulshada uu u jeediyey musharaxiinta tartamaysa, isagoo dhanka kalena u hogo-tusaaleeyey in xisbiga KULMIYE ee ay tartanka ku metalayaan Uu ku suntan yahay guulo waaweyn oo uu ka soo hooyey inta badan doorashooyinkii uu hore u galay, sidaa darteedna looga baahan yahay inay taariikhdaasi ilaaliyaan iyagoo dhigooda xisbiyada mucaaradka ula loollamaya si nadiif ah.

Dhinaca kale, Kulanka Madaxweynaha kadib waxa halkaasi ka sii socday shir ay masuuliyiinta KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Xoghayaha Guud Md. Ibraahim Raabbi iyo xubno kale la sii qaateen musharaxiinta Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka Caasimadda oo ay isla meel dhigeen ajandayaal ku saabsan qaabka bilowga ololaha xisbiga ee maalinta Isniinta iyo sidii loogu diyaargaroobi lahaa.