Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Eriteriya

Asmara – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay fiidkii Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal iyo sidoo kale Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Eriteriya Isaias Afwerki ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya.